Agasimaha NISA: Ciidanka NISA mushaar ma qaadan dhowr bilood (Cod Sir ah) dhageyso

Iyada oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhex jirtay Hay’adda NISA isqab-qabsi iyo kala danbeyn la’aan aya waxaa hadda soo ifbaxaya in Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cusman uu cadeeyay in uusan wax badan kala socon hawgalada hay’adda iyo mushaar bxinta ciidanka. Cod sir ah oo lag duubay ayuu Agaasimuhu ku sheegayaa in Ciidanka Nabadsugidda Qaranka aan bilihii la soo dhaafay sax xuquuq ah la siinin sida uu ku cadeynayo codkan sirta ah.

Qaar ka mida saraakiisha hay’adda ayaa qiray in dhowr bilood aysan qaadan Wax mushaar ah. Waxaa xusid mudan inta uu taliyaha ahaa Xuseen ay soo wajahday saraakiisha NISA mushaar la’ aan iyo kala faquuqid iyo nin jeclaysi. Shalay ayay aheyd markii uu Barlamaanka bilaabay ka doodista arimaha amniga iyadoo xildhibaanada wada qirayaan sida amniga faraha uga baxay. Hadaba sidee bey suuragal ku tahay in ciidan aan mushaar qaadanin laga sugo in ay nabadda ilaaliyaan

Halkaan ka dhageyso codka uu ku qiranaayo Agaasime Xuseen Cusmaan in aan mushaar la siinin ciidanka NISA.