Beesha caalamka oo sheegtay in aysan Aqbali doonin Natiijada kasoo Baxdo Kullanka la Filaayo in uu Maanta ka Qabsoomo Xarunta Golaha shacabka!!

Beesha Caalamka ayaa caawa daboolka ka qaaday ineysan aqoonsandoonin goo’aan walbo aan dastuuri eheyn oo laga fuliyo BFS maalinta beri ah.
Sababtoo ah wax ey yiraahdeen Somaaliya uma joogno inaan taageerno waxaan sharciga waafaqsaneyn.
Taasoo ku qasabtay Madaxweyne Farmaajo inuu hada shir kula jiro Gudoomiyaha la doonayo in berito si sharci daro ah xilka looga xayuubiyo.
Taasoo Beesha Caalamkan eysan taageeri doonin hadiiba ey dhacdo.

Waxaa kaloo jirta in la diyaariyay ciidamo tiro badan oo ka amar qaata dowlada Farmaajo laguna war geliyay ineysan beri natiijo la”aan soo laaban karin
Waxaa marka hore soo geli doona Muudeey iyo Xildhibaanada Mooshinka Wada waxey kursiga ku fariisin doonaan Muudeey inuu Shir Gudoomiye Mooshinka kadib waxaa soo geli doona Jawaari iyo Xildhibaanadii taagersanaa waxeyna isku dayi doonaa iney Jawaari kursiga ku fariisiyaan waa meesh ey iska qabsan doonto.
Waxaa kaloo lasoo sheegayaa in caawa laga qaxay dhamaan xaafadiihii ku dhowaa golah shacbka
Waxaa kaloo ciidamo la dhigay Hoteelada ey degan yihii xildhibaanadii taageersanaa Gudoomiye Jawaari.la,arki doonee halka  boonka la,ku yeersho.