Carabey oo beeniyay in Xilka laga qaaday

Baarlamaanka Galmudug qeybta fadhigiisu yahay Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey).

Waxay sheegeen in 142 xildhibaan ay soo xaadireen fadhiga Maanta 140 ka mid ah ay kaloonida kala noqotay, midna uu uu diiday, midna uu ka aamusay”.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhex taagan hogaanka sare ee maamulka Galmudug oo u muuqda inuu aad u fogaaday.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa iyagana ku eedeeyey dawladda federaalka in ay faragelin ku hayso arrimaha Galmudug.

Carrabey ayaa xil ka qaadista ku tilmaamay “sharci darro”.