Ciidamo 200 Gaaraya oo la dul-dhay Xarunta Golaha shacabka Iyo Xildhibaan Yiri”Wasaaradda Gaashaandigga ayeey isku bedeshay”

Xalay Muqdisho waxaa ka  dhacay  kulamo kala duwan oo xasaasi ah kaas oo ay yeelanayaan xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xildhibaannada difaacayay.

Kulamadaan ayaa daba socday kadib amarkii duhurtii Axada  uu gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xabduweli Muudeey uu xildhibaanada farriimo ugu diray in Berito la qaban doono kulanka Golaha Shacabka,isla markaana looga doodi doono mooshinka laga keenay Jawaari.

Dhinaca kale waxaa Xildhibaanada la baxay Badbaadada Baarlamaanka ay shir  shir jaraa’id oo ay ku qabteyn Xarunta Villa Hargeysa kaga hadleen qodobo dhowr ah,iyaga oo ka soo saaray digniin ku aadan in aan sisharci aheyn loo fuliyo abaabulka socda ee ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa sheegay in kulankii shalay ee Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in aan Saxaafada lala hadlin laakin ay nasiimxumo noqotay in gudoomiyaha baarlamanka oo Maanta la fadhiyo in uu u soo dhacay Farriin gudoomiye kuxigeenka 1aad uu ku sheegayay in kulanka mooshinka Jawari cod loogu qaadayo uu jiro.

“Runtii waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah in Caawa aan maqleyno in Xaruntii Baarlamaka la geeyey waxka badan 200 oo Askari lagana dhigay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,lakin waxan idin sheegayaa hadii amdaxweynihii Dastuurkaan iyo Sharciga jira lagu soo doortay uu jebiyo in aan mesha leysla wada joogi doonin ayuu yiri xildhibaanka”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay nasiibdarro sidoo kale ay tahay in Xaruntii Baarlamaanka laga dhigo furun dagaal,isla markaana Xildhibaanada oo xasaanad leh ciidan lahordhigay ayna adag tahay in uu soo galo xarunta.