Ciidamo Ka Tirsan Dowlada ool Loogu Weeraray Degmada Afgooye Ee Gobolk Shabelaha Hoose

Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa lagu soo warramayaa in qarax xoogan lagula eegtay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aasay ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in qaraxa kadib, dagaal foola fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo koox hubeysan.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ee Ciidamada dowladda ka soo gaaray qaraxaasi.

Wararka so kordha din idiinkala wadaagi doona in sha alaah