Ciidanka Cabdi Wali Gaas oo Qas Iyo Foodo Kula Kacay Diyaarad Qaadi La Heyd Sarakiisha Tababarta Ciidankooda

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee magaaladaasi ay ku xayireen garoonka diyaaradaha Boosaaso diyaarad laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaadaha kadib ay isku dhacayn Ciidamada Amaanka Garoonka oo si an wangsanen ula dhaqmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Imaaraadaka ee tababara Ciidanka Puntland.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi waxaana laamaha amanka ay kula dhaqaaqeyn Saraakishasi in ay si qaldan isugu dayeen baarista Borsoyin ay wateen iyago buuqu uu halkaasi ka bilowday.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xiriira xayiraada diyaaradan loo geystey.