Ciidankeenu Waxay La Nool Yihiin Dhibaatooyin Kala Duwan,Xilli Madaxdeenu Ay Jilayaan Ruwaayad Laga Xishooda

Waxa maanta Ciidanka Xooga Dalka ay u dabaal dagayaan Sanad Guuradoodii 58-aad ee ka so waregatay markii dhidibada lo taagay Ciidanka Xooga Dalka oo ah awooda iyo Quwada Shucuubta Soomaaliyeed.

Waxa wax laga xumaado ah in Ciidanka Xooga dalka ay ku sugan yihiin Xaalado an wanaagsaneen iyo Dayacaad ay kala kulmaan Madaxda Dalka maamuula.

Awooda ay fiirsanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Ciidanka Xooga ayanan heysan Cid Masuuliyad iska saarto Dhibaatooyinka laso darista,iyago an heysan nolol wanagsan oo ay ku maareeyan Naftooda iyo Ehelkooda.

Waxa ay Ciidankeenu ku nool yihiin Daryeel la’aan iyo in aysan Mushaarkooda helin iyago dhaawacooda uusan heysan wax daryeel ah oo ay si wanagsan ugu bogsoodaan.
Mushaar la’aanta aya ah dhibaatada ugu xoogan ee Ciidankeenu ku nool yihiin waxana mushaarkooda laga dhigay mid ciyaar ciyaar ah oo billoyinkii mar lasiiyo.

Hoy la’anta aya ah dhibaato Xoogan oo ay ku dhex nool yihiin Ciidankeenu,marka la eego Xarumahooda oo burbursan iyado an la dayactirin iyo marka ay timaado Kooda Qoyska leh ee ehelkiisu ay heystaan Dhibaatoyin Xoogan.

Waxa ayan daro ah in Masuuliyiintenu ay ku socdaan Gawaari 90-100 kun oo Dolarka amareykan jooga iyado Ciidankeenu aysan Noloshii ay mudnaayeen heysan,iyado ay usii dheer tahay in Deeqaha ay Caalamka ka helaan la Musuq Maasuqo.

Raii’sul Wasaare,Madaxweyne, Maqal hadu jiro halaga Xishooda Shacabka Soomaaliyeed oo Wiilashooda iyo Gabdhahooda Ciidamada Xooga ka tirsan ee Ku Waxlebayo Dagaalada Al shabaab in aad Mushaarkooda Musuq Maasuqdaan oo aad Mooshino iyo danihiina Gaarka ah ad ku fushataan idinkoo Gaarigiinu uu mukeyfka idiin daaran yahay ayay ciidanku oo awooda Shacabka ah ay qoraxda u taagan yihiin.