Dalalka Soomaaliya Lacagta Ugu Deeqaya oo Kordhay iyo Musuq maasuqa oo!!

Dowladda Southa Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu deeqday lacag dhan 500,000$, kadib Munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa ujeedka ay South Afrika ugu tala gashay waxay tahay sidii garab iyo gargaar loogu sameyn lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen ee ka soo barakacay Aqaladooda.

South Afrika ayaa lacagtan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo marsiisay Hay’adda WFP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada, waxaana Deeqdan ay soconeysaa mudo ku siman 6 bilood.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumer Ceynsane oo gudoomay Deeqdan ayaa ka mahadceliyay taageerada South Afrika.

“Waxaan guddoonay Deeq ka timid Dowladda South Afrika, taasoo dhan 500,000 oo loogu tala galay dadka Abaartu saameysay, lacagtaas waxay noqon doontaa mid gargaar loogu sameeyo dadka tabaaleysan, lacagtan waxaa la soo mariyay WFP, waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda South Afrika deeqdan ay ina soo gaarsiisay.” Ayuu yiri Wasiir Ceynsane.

Weli waxaa dalka ka jira Abaaro aad u daran, kuwaasi oo saameyn dareen leh ku reebay dadka ka soo barakacay gobolada dalka ee badbaadada u soo raadsaday magaalooyinka waa weyn ee dalka.