Diyarad ay Ku Safrayen Tababarayasha Cidanka Imaradka oo Qashqashad ahan ugu Xayirned Garonka Boosaaso oo Dib Lo Fasaxay

Ciidamada ammaanka ee Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga Puntland ayaa goor dhow dib u faxsay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaaraadka Carabta oo ay ku xayireen Garoonkaasi.

Diyaarada oo ay la socdeen saraakiil Imaaraad ah ayaa muddo daqiiqado ah ku xanibneyd Garoonkaasi, kadib markii saraakiishaasi ay qashqashaad kala kulmeen Cidanka ilaalada ka aha Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Balse markii dambe Ciidamada Puntland ayaa sii daayay diyaarada oo ku sii jeeday dalka Isu Taga Imaaraadka Carabka.

Saraakiishan ayaa la sheegay in tababaro iyo taakuleyn ay siin jireen Ciidanka Badda Puntland, waxaana maanta ay dib ugu laabteen dalkooda, inkasto aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa ka dambeeya bixitaanooda.

Wararka aya shegaya in Saraakiisha ay duuleyn iyago an wadan wax saanad ah oo ay Garoonka kaga Tageen kadib markii ay korartay Qashqashada Ciidankla ilaalada ka aha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya Puntland oo ku aadan arrimaha bixitaanka ee saraakiishaasi.