Dowlada Itoobiya oo Shidaal Ka Qodeysa Dhulka Soomaalida Degto ee Kilinka 5-aad

Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa la sheegay inay ka heleen Dhulka Soomaalida ka deggan yihiin Bariga Ethiopia Ceel Shidaal, kadib, markii ay soo af-jareen Sahminta Ceelkaasi.

Wasiirka Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ee Ethiopia, Motuma Mekassa ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaasi inay rajeynayaan inay dhoofinta Gaaskaasi ee sannadka ugu horreeye ka heli doonaan 1 BILLION oo Dollar.

Waxa uu intaasi ku daray in Gaaskaasi Dabiiciga ah laga dhoofin doono Dekedda dalka Jabuuti.

Cabdi Maxamed oo hogamiya Kilinka 5-aad weli kama hadlin Ceelka laga qoday Deegaanadooda iyo saamiga macaashka ay ku yeelan doonaan dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah.