Farmaajo oo u Duulay Sacuudiga Iyo Sababta Socdaalkiisa oo la Ogaaday!!

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

WAfdigaan wexey ku sii jeedaan dalka Sucuudiga oo ay uga qeyb galayaan Shirka 29-aad ee wadamada qeybta ka ah Jaamacadda Carabta ay ku yeelanayaan Magaalada Riyaadh.

Wafdiga Madaweyne Farmajo waxaa qeybka ah masuuliyiin katirsan labada Gole iyo Wasiiro waxaana halkaasi uga sii horeeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo maalin ka hor tagay Sucuudiga wuxuuna ka Shirkii loogu gogol xaarayay  midnimada hogaamiyeyaasha Carabta oo dhawaan halkaasi kusoo idlaaday.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Marka uu soo Idlaado shirka jaamacadda arabta inuu kulamo gooni gooni ah la qaato qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka islamarkaana uu kala hadli doono sidii Soomaaliya ay u siin lahaayeen taageeri dhinac walba ah

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota imaaraadka Carabta in halkaasi ay ku kulmi doonaan waxaana la sheegay in kulanka ay soo qaban qaabisay Boqortooyada Sucuudiga carabiya oo Imaaraadka ay saaxiib dhow yihiin.

Dhawaan ayey aheyd kadib markii ciidamada amaanka dowladda ay garoonka diyaaradaha ku qabteen lacag dhan US$9.6 million oo dolarka mareykanka ah, arintaasi oo cirka kusii shareertay xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay iney ugu tala gashay lacgtaasi mushaar ahaan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa taabacsan dalkooda.