Garoonka Aadan Cadde oo Ay Kaso Dageen Dhalinyaro Laga Keenay Dalka Libiya

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa manta kasoo degtay diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka keentay dalka Libya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde, waxa ay ku soo dhaweeyeen 13 dhalinyaro ah oo laga keenay dalka Libya.

Dhalinyaradan maanta Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay haweenay, waxaana ay sheegeen inay doorteen dalkooda hooyo inay ku soo laabtaan.

Waxa ay kaga mahadceliyeen dowladda Federalka Somaliya tallaabada dhalinyarada loogu soo celiyay dalkooda hooyo, waxayna sheegeen inay aad ugu mahadcelinayaan dowladda.