Golaha Aqalka Sare ee Dalka oo Isku Qilafsan Arinka Shirkada DP World

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay kulan ku yeeshay manta Xaruntooda Muqdisho,waxana kulankooda ay uga doodayeen Xeerkii ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga mamnuucayay shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaaradka Carabta.

Kulanka markii uu furmay ayaa waxaa xildhibaanada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu asyan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan,halka Golaha qaar ay sheegen in xeerkaan la meel marinayo.

Dooda Kulanka aya weli taagan iyado xildhibanada weli ay ku kala qeyb sanyihiin goan qaadashada arinka Shirkada DP World.