Haweeney Cirbad Ku Durtay Wadde Mooto Bajaaj&Wadayaasha Motada Bajaajta oo Banaanbax Ka Dhigaya Xarunta CID-da

Wararka duhurnimadan inaga soo garaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in dhalinyarada ka xeysa Mooto Bajaajta ay Banaanbax balaaran ka hor dhigayaan Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyed.

Mid ka mid ah dhalinyarada Banaanbaxa dhigay ayaa sheegay sababta ay u banaan baxayaan inay tahay, Haweenay la sheegay Cirbad Virus Aids ah inay ku durtay nin Bajaajle ah, haweenaydaasi oo lagu haayo Xarunta Dambi Baarista.

Xarunta Dabi Baarista Ciidanka Booliska ayaa lagu haayaa, haweenay lagu eedeyay inay nin ku durtay Cirbad, xilli muddooyinkii dambe ay jirtay hadal haynta ku aadan arrintaan.

Dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku dhex wata Magaalada gudaheeda ayaa cabsi xoogan iyo walaac uu soo food saaray muddooyinkaan dambe.

Tira Dhowr jeer ah aya waxa magaalada Muqdisho Cirbad lagu duray Tiro wadayaasha Mooto Bajaajta Ka xeysa