Kheeyre oo yiri ’’Waxaan Iibsaday Imaamka Iyo Ugaaska Mudulood’’

Tan iyo markii ay curatay Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa la bartay Qorshe Cusub oo ah in la iibsadao dadka magaca ku leh Bulshadda qeeybaheeda kala duwan si loogu adeegto islamarkaana ay  u noqdaan Haye,Dhaan Raac.

R/wasaaraha Dowlada Soomaaliya Xassan cali kheeyre oo aan wali ka daalin  Orodka uu ugu jiro in uu fara-galiyo Meel walbo oo ay ka dhaqaaqi karto Midnimadda Iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay In uu si cad u iibsaday Ugaaska iyo Imaamka Beesha Mudulood.

Xog Hoose oo ay Muqdisho Online la Wadaageen Xildhibaano aad uga Carooday Hadalkaasi kheyre ayaa waxaa ay sheegeen in uu lasoo hadlay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Islamarkaana uu u sheegay in uu Imamkooda Iyo Ugaaskooda uu Maanka ka degay Lacagna siiyay oo  ayna iyaggu waxba ka qaadi kareeynin

Xildhibaanka La hadlay Muqdisho Online ayaa waxaa uu Yiri’’Kheeyre waxaa uu si cad iigu sheegay in uu lacag iyo baabuur siiyay  Imaamka Iyo Ugaaska Beesha Mudulood ‘’

Xogta aan helnay ayaa waxaa ay intaasi ku dareeysaa in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre  uu Baabuurta Qaaligga ah Ee Nuuca aan Xabadu Karin ah loo iibiyay Imaamka iyo ugaaska iyadoona laga dhigay Mushaari bil walbo la siin doono Lacag aad u fara-badan

Ugaaska Iyo Imaamka ayaa waxaa ay R/wasaare Kheeyre ka Caawin doonaan in aysan kazoo horjeesan Xildhibaanadda Beesha Mudulood,kuwaasi oo hadii ay Kheeyre iyo Kooxdiisa kazoo Horjeestaan Imaamka Ama ugaaska loo diraayo.

Waxaa Nasiib Xumo ah oo wali ah wax aad looga naxo in idhahii Umada lagu shubtay jeebka,waxeeyna tani cadeeyneysa Abaabulka iyo qaska Dowlada uu Hogaamiye Madaxweyne Farmaajo Waxaa sidoo kale Ceeb weeyn dhex dabaashay Imaamka Iyo Ugaaska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaad ogaataa in Dhib walbo oo uu geeysto R/wasaare kheeyre in adiga lagu weeydiinaayo,masuuliyadaasna adiga ayaa shacabku kugu aaminay