Khilaafka Ka Dhex Taagan Baarlamanka Hirshabeele oo Meel Xasaasi Ah Gaaray

Waxa si xogeysanaya Khilaaf ka dhex taagan Xildhiobanada Barlamanka Hirshabeele iyado dhaliil xoogan ay qaar ka mid Xildhibanada Baarlamanka ay u jedinayan Gudomiyaha Baarlamanka Maamulkasi.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in muddo bilooyin ah aysan wax kulan ah yeelanin baarlamaanka Hirshabeelle iska markaana ku eedeeyay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Xildhibaanku aya sheegay in inta badan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle aysan aheen kuwoo ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Jirshabeelle, taasina ay qaab ka qaadatay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xiisada ka dhex taagan Maamulka Sare ee Hirshabeele aya maalmahan kacsaneed iyado Mooshino iska so horjeedo ay halkaasi ka taagan yihiin.