Kooxda Qiyaano Qaran oo Qilaaf uu So Kala Dhex Galay Kadib Musharaxiin Ay Kala Wataan Kooxdaasi

Magaalada Muqdisho waxaa Caawa ka socda olole loogu jiro doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mooshinka waday ayaa saddex garab u kala jabay,waxayna iyagana dhankooda olole ugu jiraan garabka uu ka imaanayo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirar gaar gaar ah ayaa kasocda Hotelada ugu waa weyn magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ay isku arkayaan Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dalka.

Warar soo baxaya oo aan heleyno ayaa sheegaya iney jiraan musharaxiin badan oo ay kala wataan kooxda Qiyaano Qaran ee Xasan Cali Kheeyre iyo Madaxweyne Farmaajo,iyado Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari uu sheegay inuu si rasmi ah isaga casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,islamarkaana uu maalinta berito ah uu khudbad ka horjeedin doono Golaha Shacabka kuna shaacin doono.

Kooxda Qiyaano Qaran aya wata shaqsiyaad uu ninba dhankiisa kaga arko in uu fulin karo daniihiisa gaarka ah iyo Amusanaha Kooxdaasi ee Fahad Yasiin uu isna keensaday shaqsiyaad uu wato iyado arintaasi hada ay dhalisay Khilaafaad horleh oo so kala dhex galay kooxdii Heshiiska ku aheyd Ceyrinta Jawaari.