Kooxda Qiyaano Qaran oo Tuug Madii Ka Dhamaatay iyo Jawaari oo Ku Adkeysanaya Jeedinta Kudbad uu Xaladaha Qarson ee Jira Shacabka uso Bandhigo Doono

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho kadib muddo bil ah oo ay khilaaf uu hareeyay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey iyo xildhibaannada mooshinka wada ayaa shaki weyn ka keenay ujeedka khudbada Jawaari iyo waxa uu ka hadli doono, waxayna qaarkood dalbadeen in iyadoo qoraal ah uu hore u keeno, arrimahaas oo dhan oo socon waayay.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeystay inuu kalanka Baarlamaanka isagu guddoomiyo inta uu khudbadda ka jeedinayo, waxaana markii danbe loo ogolaaday inuu qeybta hore ee fadhiga uu guddoonka isugu lahaado.

Prof Jawaari aya xog badan iyo arrimo qarsoon ku soo bandhigi doono khubadiisa, isla markaana ka hadli doono xaqiiqada maamulka ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.