Laamaha Amaanka oo Dhagxaan Ku Xiray Mid Ka Mid Ah Waddoyinka ugu Waaweyn ee Muqdisho&Xilli Laamaha Amaanka ee ku fashilan yihin Wax Ka Qabashada Qaraxyada

Sida ay shegayaan wararka inaga soo garaya xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in saqdii dhexe ee xalayto ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya in ay xirireen Wadooyin hor leh oo Dhagxaan lagu daadiyay.

Jidadka la xiray aya ku yaala Wadada dheer ee Wershadaha oo lagu jaray dhagaxyo waaweyn oo la mid ah kuwa lagu xiray wadooyinka jidcadayaasha ah ee magalada Muqdisho.

Dhamaan wadooyinka Jidcadayaasha ah ee soogala wadada Wershadaha ayaa dadka deegaanku waxa ay shegeyn in ay soo tooseyn iyado jidadka lagu xiray dhagxaan waa waayn arinkaasi oo ay shegeyn in ay ka naxeyn.

Magaalada Muqdisho aya guud ahan u muuqata mid go’doonsan iyado laamaha amaanka ay xal u la yihiin falalka amaan daro ee Caasimada Dalka ka dhacaan.