Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulada Degmoyinka oo Ka Siman Tamashleynta Xili Amaan usan Jirin oo Dilalki Ay Kordheyn

Waxa dhibaato xoogan sheganaya Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo waxyeelo xoogan kala kulmaya Falalka amni daro ee ka dhaca Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho aya qaati ka tagan Kooxo dhac geysta oo sita dareyska Ciidanka kuwaasi oo xiliyada qaar guryaha ugu dhaca Dadka ku dhaqan Degmoyinka Muqdisho.

Maamulada Degmooyinka Iyo Kan Gobolka Banadir aya dayacay Masuuliyadii ka saarneyd Shacabka ilaalinta Naftoda iyo Maalkooda.

Duqa Muqdisho aya udamashad taga Xeebta liido iyo Xarumaha kale ee habenkii lagu damaashaado iyado ay intooda badan Maamulada Degmooyinka ay ka maqan yihiin degmoyinka ay ka arimiyaan,arintaasi oo ah fashil kale oo heyta Maamulka Gobolka Banaadir.

Dilalka,Dhaca.Cirbad isku Durida,iyo Wadoyinka muhiimka ah oo Biyo ay buux dhaafiyeen waa fashilka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulada Degmoyinka.