Maamulka Warbahinta Qaranka oo Diiday Baahinta Is Casilaada Gudoomiye Jawaari Iyo Xukuumada Kheeyre oo Ka Careeysan Go’aankaasi

Waxa buuq xoogan uu ka dhex taagan yahay Warbaahinta Qaranka iyo Wasaarada War faafinta oo ka tirsan Xukuumada Xasan Cali Kheeyre kuwaasi oo Diidan in ay baahiyaan Warka is casilaada Gudoomiye Jawaari oo la faray in ay baahiyaan sakay oo ila hada la isku mari la yahay.

Xukuumada Xasan Cali Kheyre aya kol sii horeysay ku amartay in aysan Suxufiyiinta baahin warka ku saabsan Gudoomiye Jawaari.

Maamulka TVga Qaranka Libaan Cabdi Cali iyo Agaasimaha Idacaada Radio Muqdisho ee Qaranka Abdi fitaax Daahir Jeyte aya manta diiday in ay baahiyaan waxana laga yaaba in xiisadaasi ay sababto in xilka loga qaado.

Maamulka Warbaahinta Qaranka aya ka carooday amarka Cusub ee manta loso bandhigay iyado kolkii hore logaga digay in warka jawaari ay baahiyaan waxa ayna ku doodayaan in warka manta baahiya logu amrayo uu yahay war ku saab san Gudoomiye Jawaari,taasina aysan qaadan Karin in marba dhinac loo jeediyo.

Xukuumada Raii’sul Wasaare Xasan Kheeyre aya ku dadaaleysa in ay afduubto Hey’adaha Dowlada Xili Warbaahintii Qaranka dadka lo tusay in aysan qaranka uwada sineen oo ay Xukumada Cidi doonto ay ku afduubi kareeyso.