Madaxweyne Farmaajo’Ceebtaada waxaa la yaaban Dunida ee Fadlan Jawaari Haka Harin’’

Waxa wax lala yaabo noqotay in Madaxweynihii Dalka uu qeyb ka noqdo arintii Mooshinka Gudoomiye Jawaari ee Xukuumada Xasan Cali Kheeyre soo abaabushay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dastuurka uu dhigayo in uu dhex dhexadin ku sameeyo Buuqa hareeyay Golaha Shacabka aya garab is tag u sameyay Xukuumada Kheeyre.

Beesha Caalamka oo tira dhowr jeer ah ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo in uu arinkaasi uu so kala dhex galo Buuqa hareeyay Golaha Shacabka.

Ceebta heysata Madaxweyne Farmaajo aya waxa la yaaban Dunida isaga oo ku fashilmay in uu arintaasi dhex dhexaadin ku sameeyo.

Madaxweyne Farmaajo aya loogu baaqaya in uu maro wadadii uu qaaday Gudoomiye Jawaari oo ay kooxda Qiyaano Qaran ku qiyaameyn Mooshin Xili Cabsi Xoogan ay hada ka heyso Xasan Cali Kheeyre in uu Xilka ka qaado oo uu mooshin ka gudbiyo.

Mudane Madaxweyne Ceebtaada waxaa la yaaban Dunida iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Fadlan Jawaari Haka Harin oo iska raac talada Dalka uma Qalantid.