Maxaa ka jira in Xildhibaaan Cadoow Cali gees uu u Tartamaayo Gudoomiyaha golaha shacabka!!!

Tan iyo markii uu shaaciyay Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari in uu iska casilay xilka Gudoomiyaha golaha shacabka waxaa soo baxaayay warar kala Duwan oo sheegaya hadba shaqsi xilkaasi daneeynaaya kuwaasi oo intooda badan lagu baahiyay Baraha Bulshadda

Sida ku cad Awood qeeybsigga 4.5 waxaaa xilkaan u tartami karo kaliya Beesha uu ka dhashay Gudoomiyahii hore Golaha shacabka Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari, hase”yeeshee waxaa la yaaab ah in la hadal haayo shaqsiyaad u dhashay Beesha Hawiye.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Cadoow Cali gees iyo C/qaadir Cosoble ayaa la sheegay in ay xilkaasi daneeynayaan oo ay damacsan yihiin in ay u tartamaan, hadiii ay taasi dhacdo waxaa hubaal in uu meesha ka baxaayo Xassan cali kheeyre

Sidoo kale Xildhibaaan xidig oo ka mid ahaa shaqsiyaadka la baahiyaaaay in ay xilkaasi daneeynayaan ayaaa beeniyay war uu bartiisa soo dhigay