Maxay Ahaayeen Ciidamada La Wareegay Xarunta Golaha Shacabka iyo Waddoyinka Laga So Galo

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad sugid iyo Boolis ay la wareegeyn xarunta Golaha Shacabka iyo Waddooyinka soo galo.

Ciidamadan ka amar qaata Xukuumada aya si aad ah u hubeysan waxaana lagu arkayaa Waddooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee laga galo xarunta Golaha Shacabka waxanan la ogeyn sababta ka danbeysa in Ciidankaasi ay la wareegaan Xarumahaasi.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maalmihii u danbeeyay Cadaadis kala kulmay Laanta fulinta iyo madaxweynaha Soomaaliya kuwaasi oo ku qasbayay inuu is casilo.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Jawaari ayaa saakay is casilay,Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya iscasilaada Jawaari iyo waxa xilligan ku soo beegay.