MW/Farmaajo oo Maanta Lagu Wado In uu u Duulo Dalka Sacuudiga

Waxa lagu wada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho inu maanta ka duulo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoona ku sii jeeda dalka Sacuudiga Areebiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii xal waara looga gaari lahaa Magaalada qudus ee dhulka falastiiniyiinta oo uu Maraykanka u aqoonsaday caasiamda israa`iil, qaraarkii dowlada Soomaliya looga mamnuucay shirkada DP WORLD iyo dacwada Jabuuti ay ka gudbisay isla shirkada DP world.

Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa waxaa ka dhacaya shirka 29aad ee ururka jaamacada carabta, waxaana halkaasi horay u sii gaaray wasaiiro ka socda wadamada ku mideysan ururkaan jaamacada Carabta, kuwaas oo yeeshay shir gogol xaal u ahaa midka hogaamiyaasha Jaamacada carabta.

Sido kale waxa wada fadhisan doona madaxda Imaradka Carabta iyo Madaxweyen Farmajo waxana laga wada hadli dona lacagti Axadii ina dhaaftay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ay cadadedu gareyso 9.6 Milyan oo Doolar, Lacagtaas oo leheyd Safaarada Imaaraatka Carabta iyadoona markii dambe lagu shubay bankiga Dhexe ee soomaliya.

Imaaraatka carabta ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in lacagahaasi ay ahaayeen Mushaaraadka Ciidamada Dowladda iyo kuwa bada Puntland oo ay gacanta ku hayaan.