Odayasha Murusade Iyo Ceyr oo Ka Heshiiyay Arinta C.Raxman C.Shakuur Iyo Xukumada Kheyre oo Bixisay Magta Ilaalada Siyaasiga

Iyado dhawan Garoonka aden Cade lagu arkay Siyaasiga C.raxman C.Shakuur aya waxa arinkaasi fududeyay Odayaal ka kala Socday Murusade iyo Beeshe Ceyr.

Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka.

Odayaasha aya ka fadhiistay qasaarihi dhacay iyado Sida an oganay la isku afgartay in la bixiyo Magta Ilaaladii halkasi ku geeriyootay iyo qasaarihii dhacay,waxana la shegay in odayaashi ay halkaasi ku kala qaateyn Magta ilaalada Siyaasiga oo 17-kii bishii December ee sanadkii hore toogteyn Ciidanka Nisa.

Xukuumada Xasan Cali Kheyre aya la shegay in ay Bixisay Dhaman qasaarihi Werarkasi ka dhacay iyo Magta Ilaalada Siyaasiga.

Odayaasha Murusade iyo Ceyr aya la shegay in ay sidoo kalle ka heshiiyen in Siyaasiga laga qaado Xayiraadi Saarneed ee Dhanka Safarada ah,waxana odayasha ay ka heshiyeen in siyaasiga laga qaado Xayirada Safarada ah.

Sanadki hore ayay aheyd marki Hben Madoow loo dhacay Hoyga Siyaasiga uu ka dagana Magalada Muqdisho.