Prof Jawaari Iyo Madaxweyne Farmaajo oo Goor Dhaw Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Soomaaliya

Waxa goor dhaw saxaafada soo hor is taagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyago si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.

Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka.

Madaxweyne Farmaajo aya shegay in go’aanka Jawaari uu aha mid taariikhi ah, isla markaana uu ku dhiira gelinayay inuu sii wado dadaalada dowladnimada, qabyo tirka dastuurka, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga ah, isla markaana ay ka filayaan talo bixinta iyo talo soo jeedintiisa.