R/wasaare Kheeyre oo Abaabulaayo Koox Xildhibaano ah oo Foowdo kiciso  Maalinka Mooshinka la qaadaayo ka dib Markii uu Ogaaday in!!

Mooshin xifaaltankiisu aad u sareeyo ayaa waxaa uu ka dhex aloolsan yahay Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka iyadoo R/wasaare Xassan Cali Kheeyre uu ka yahay Kaabe wax-qasaaya.

Warar aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Xassan Cali Kheeyre iyo Kooxdiisa qiyaano qaran ay hada Abaabulayaan Xildhibaano qeeylo iyo Sawaxan ka dhex bilaaba Golaha shacabka Maalinka la qaadaayo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari

Xildhibaanadaani ayaa u badan Golaha Wasiiradda Ee Xukumadda Kheeyre sida ay ogaatay Muqdisho Online,waxeeyna tani cadeeyneeysaa in uu Taagtu ku liidato R/wasaare Xassan Cali Kheeyre iyo Kooxahiisa.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa Aqbalay mooshinka in la geeyo Xildhibaanadda,waxaana rajo weeyn laga qabaa in Gudoomiye jawaari uu ka badbaado dabinkaasi laga soo abaabulay Xafiiska Xassan Cali Kheeyre