R/wasaare Kheeyre oo Tijaabiyay Awoodiisa Iyo Farmaajo oo ka Cabsi qabo in Jawaari Lagu Xijiyo!!

Xukuumada Xasan Cali Kheeyre aya u muuqata mid awoodeeda ay xooganatay iyado uu sameeystay Garab ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka xilli uu akoonadoodu uu ugu shubay lacag.

Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya aya tan iyo markii uu so dhex galay Siyaasada Soomaaliya aya waxa uu tijaabinaya awoodihiisa iyado uu Cabsi ku abuurayo saaxibadiisa Qiyaano Qaran.

Xasan Cali Kheeyre aya ku tijaabiyay awoodiisa in uu Golaha Shacabka ka saaro Gudoomiye Jawaari,waxaana hada shaki xoogan qaaday Saaxibadiisa Kooxda Qiyaano.

Madaxweyne Farmaajo aya hada ay soo food saartay Cabsi xoogan oo ku adan in uu la marsiiyo wadadii uu maray Gudoomiye Jawaari.

Cabsida Madaxweyne Farmaajo aya ah in Xasan Cali Kheyre oo kala diray Saxibadiisa uu ugu danbeyn isaga ka keeno Mooshin sidaasina uu meesha kaga baxo.