Rii’sul Wasaare Kheyre oo Sabab u Aha Baaqashada Kulanka Khudbad Jedinta Prof Jawaari ee Manta Iyo Buuq Madaxtoyada Ka Taagan +Sababta

Iyado Maanta uu baaqday kulankii Golaha Shacabka ee lagu waday in ay maanta oo arbaca ah la isugu yimado Xarunta Golaha Shacabka aya waxa ajandihiisa uu aha in Gudoomiyihii is Casilay ee Prof Jawaari uu Khudbad Xasaasi ah ka jeediyo kulanka.

Baaqashada kulankaan aya waxa Xildhibaanada Golaha Shacabka ku war galiyay Gudooomiye ku Xigeenka 1aad ee Baarlamanka isago Xildhibanada ku war galiyay in uu baaqday kulanka.

Wararka Muqdisho.online ay heleyso aya shegaya in Raiisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheeyre oo Xurgufi ay dhax martay Gudoomiye Jawaari uu sabab u aha in uu baaqdo kulankii Maanta ee Golaha Shacabka.

Xasan Cali Kheeyre aya C/wali Muudeey ku war galiyay in uu baajiyo kulanka isago diiday khudbada uu Gudoomiye Jawaari ka jeedin laha Golaha Shacabka.

Raii’sul Wasaare Kheeyre aya la shegay in uu Xalay dalbaday in la ogeysiiyo Khudbada uu jeedinaayo Gudoomiye Jawaari iyo waxa ay ka kooban tahay oo dhameystiran si uu isha u marsiiyo.

Arintaasi aya la tilmaamay in Gudoomiye Jawaari uu wax lagu qoslo ku tilmaamay oo uu diiday,iyo Xubnihii ku dhex jiray oo uu Madaxweyne Farmaajo ay Gudoomiyaaha ka codsadeen in ay isha marsiyan Khudbadiisa,balse uu isagu diiday arinkaasi qaadashadiisa.

Xaii’sul Wasaaraha Soomaaliya ayaana C/wali Muudeey ku amray in uu baajiyo Kulanka Maanta waxaana socda kulamo ku aadan xalka arintaasi iyado Jawaari uu diidan yahy in uu qaato arinkaasi,waxana la aamin san yahay in khudbadiisa uu ku sharixi doono Xaqiiqooyinka dhacay intii Foodada Soctay,Xasa Cali Kheyre ayana diidan in Khdbadaasi runta Foodadiisa lagu soo bandhigo.