RW/Kheyre oo Xildhibaanadii ugu Badnaa Kula Kulmaya Madaxtoyada Soomaaliya

Waxa Maanta Khudbada Iscasiladiisa ka hor jeediyay Golaha Shacabka Gudoomiye Maxamed Shiiq Cisman Jawaari oo Manta ugu danbeyn Xildhibanada ku warejiyay Xilkii uu u hayay aya waxa kulamo kala duwan ay ka socdaan Madaxtoyada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaaha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa durba bilaabay inuu kasbado rabitaanka Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka si booska Jawaari u buuxiyo shaqsiga ay ka danbeyso madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda bilowday iney dhaqaalo badan iyo balan qaad u sameyso Xildhibaano tiro ahaan lagu qiyaasay 200,kuwaasi oo door weyn ka qaata doorashada la doonayo inuu ku soo baxo shaqsi madaxtooyada ay keensaneyso ama loo yaqaano “ Yes Man”.

Xildhibaano badan ayaa xalay Xafiiskiisa kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre kuwaasi oo u balan qaaday iney dooranayaan shaqsiga ay farta ugu fiiqdo madaxtooyada Soomaaliy.

Siyaasaddan cusub ay ciyaareyso madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga yabaa iney ku baxdo dhaqaalo fara badan oo ka baxda qasnada Dowladda,taasi oo saameyn ku yeelata Miizaaniyada Dowladda ugu talagashay shaqaalaheeda.