Shacabka Muqdisho oo Ku Dhiban Marista Wadoyinka Xilli Duqa Muqdisho uu Ku Fashilan Yahay Wax Ka Qabashada Arinkaasi

Waxaa dood adag ka taagan tahay waddo muhiim u ah marida gaadiidka magaalada Muqdisho,taasi oo ay biyo dhigeen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Roobab xooggan ayaa xalay ka da’ay magaalada Muqdisho oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen,halka dhanka kale saameyn ay ku yeesheen dadka danyarta ee ku dhaqan xerooyinka Barakacayaasha ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar ee muhiimka ah waxaa jaray biyo uu ka tagay roobkii da’ay.waxaana Arrintaan Shacabka ay ku tilmaameen fadeexad ku timid Guddoomiye Yariisow oo xitaa tallaabo aan qaadin.
Duqa Muqdisho aya ku fashilan sameynta adeegyadii biyaha ka saari laha wadooyinka Muhiimka ah ee biyuhu ay xireen.
Waxa dhibaato xoogan ku qaba gaadidleyda iyo shacabka oo waxyeelo ay ka so gartay marka uu gaadidleyda ay marayan wadada oo ardayda iyo dadka shaqo taga ahba ay gaarto wasaqda ka dhalata gadiidka marka uu si xooli ah ku marayo wadada.
Duqa Muqdisho aya ku fashilmay in uu sameyo istaraatiijiyad uu kaga hortago arinkaasi iyado ay jiraan gaadiid dhuuqi kara biyaha fadhiista wadooyinka oo horay lo arki jiray,hatana an lo jedin.