War Deg Deg ah:-C/wali Muudeey oo Xildhibaanadda Ku wargaliyay in uu baaqday Kulankii Maanta Lagu Balansanaa!!!

Shalay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali shiikh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa uu sheegay in Maanta uu qabsoomaayo kulan Xildhibaanadda baarlamaanku ay leeyihiin oo Codka kalsoonida loogu qaadaayo Gudoomiye Jawaari.
Sida Muqdisho Online Saacado ka hor idiinsoo Baahisay kooxda qiyaano qaran waa ay ku dhici-weeysay in ay ku dhiirato kullanka sidaas ayuuna u baaqday,Cabdi wali muudeey ayaa mar kale fariimo u diray Xildhibaanadda taasi oo uu ku sheegay in kullanku baaqday.
Xildhibaanada Fariimaha loo diray qaarkood oo  u waramay Muqdisho Online ayaa waxaa ay inoo xaqiijiyeen in R/wasaare kheeyre uu lahaa Amarka Maanta lagu Hakiyay Kulankii Fowdada ahaa,waxeeyna tani cadeeyneeysaa in Kheeyre uu Ku Milmay Howlaha Baarlamaanka