Wasiirka Gaashaandhiga iyo Agaasimaha Madaxtooyada oo booqasho ku tagay Xarunta Tababarada General Gordan+Sawiro

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Marwo Aamina Siciid ayaa Kormeer ku Tagay Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho Taas oo Hore Gacanta ay ugu heysay Dowladda Imaaraadka Carabta Balse ay la Wareegtay Dowladda Somaliya.

Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay Taliska Guutada 14 Octoobar Ee Degan Xaruntaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha u sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ciidammada u heli lahaayeen Tababaro iyo Qalab Casri ah, iyadoo ku guuleysatay inay daboosho howlihii Imaaraadka ka waday xaruntaasi, waana balanqaad uu hore u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa Xustay in Madaxtooyadu ay kala Shaqeyn doonto Taliska Xaruntaas Bilicda iyo qalabeynta Xarunta.

Ciidammada 14-ka Octoobar ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose waxay kala wareegeen Al shabaab, iyagoo burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Al shabaab Weeraro sida ay sheegeen saraakiisha

.